Blog

COVID-19 iyo Soomaaliya: fal-cellin xisaabta ku darsata xasaasiyadda khilaafaadka oo laga sameeyo xiisadaha is dulsaaran

18 September 2020 Tim Midgley and Alastair Carr COVID-19 iyo Soomaaliya: fal-cellin xisaabta ku darsata xasaasiyadda khilaafaadka oo laga sameeyo xiisadaha is dulsaaran

Caawimo caalami ah oo la gaadhsiiyo Soomaaliya waxa ay u noqon doontaa muhiim dagaalka uu dalku kula jiro COVID-19. Balse deegaan kakan oo caawimadiisa caalamiga ahi ay leedahay taariikh hore oo gebi dhaclaysa, dedaalada looga gol leeyahay in lagu badbaadiyo nafo waa inay noqdaan kuwo laga ilaaliyay inay si dadban u keenaan waxyeelo islamarkaana waa in lagu dul dhiso dedaalada Soomaalidu hogaaminayso ee lagu raadinayo nabad waarta. Tim Midgley iyo Alastair Carr waxa ay tilmaameen lix cashar oo ay tahay in qaybta caawimada bixisaa ay tahay inay ku darsadaan xisaabta marka ay ka fal celinayaan COVID-19 inay maskaxda ku hayaan xasaasiyadda khilaafaadka.

Taariikhdu markay ahayd 13 April Soomaaliya waxa ka jiray 60 qof oo la xaqiijjiyay inuu ku dhacay fayraska dunida ku cusub (COVID-19). Iyada oo nidaamka daryeelka caafimaadku uu yahay mid liita, ay jirto amni darro, daadad fara badan oo soo rogmaday iyo ayax si balaadhan ugu habsaday wadanka, COVID-19 ku wuxuu ku noqon karaa masiibo sadexda milyan ee sida cufnaan ahaan isku dhow dhow ugu nool caasimadda Muqdisho iyo milyan badhkiisa ku nool xeerooyinka buux dhaafka ah ee dadka gudaha dalka ka soo barakacay ay ka degan yihiin daafaha magaalada.

Hay'addaha caawimada bixiya ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo Dawladdu, waxa ay si degdeg ah ugu diyaar garoobeen xaqiiqda cusub. Tiro ururo Soomaali ah ayaa isku yimi si ay u bixiyaan qaylo dhaan ku saabsan fayraska islamarkaana ay ugu ballan qaadaan inay wax ka qabtaan saamayntiisa. Bisha Cas ee Soomaaliya iyo Laanqayrta Cas ee Caalamiga ahi waxa ay ballan qaadeen inay gaadhsiiyaan xog ku saabsan qaababka looga hortaggo COVID-19 guryo gaadhaya 120,000 islamarkaana inay tababar siiyaan 500 oo shaqaale caafimaad ah. Qaramada Midoobay waxa ay soo ururisay lacag dhan 57.8 milyan oo doolarka Maraykanka ah si ay kor ugu qaado jawaabta ay bixinayso sagaalka bilood ee soo socda, halka Barnaamijka Cuntada Aduunku (World Food Programme) uu qorshaynayo inuu qaybiyo cunto laba bilood ah si wax looga qabto xaaladda sii xumaanaysa.

Hay’adaha caawimada bixiya waxa uu COVID-19 kaga dhigayaa xaaladda oo marka hore ba adkayd mid ay adag tahay in lagu shaqeeyo. Waxa jirta khatar ah in kala qaybsanaanta siyaasadeed ee ka dhaxaysa dawladda federaalka ah iyo maamul goboleedyadu uu sii qoto dheeraado, taas oo saamayn ku yeelan karta is-waafaqidda jawaab qaran oo laga yeesho cudurka saf mareenka ah. Al-Shabaab waxa ay maamushaa dhul balaadhan oo ka tirsan miyiga koonfurta Soomaaliya, waxaana suurtagal ah in ururkaasi uu sii wado inuu u diido inay gaadhaan hay’adaha caawimada bixiya ee doonaya inay gacan siiyaan bulshooyinka, taas oo ku keenaysa dadka inay ka tagaan goobahaas iyaga oo raadinaya taageero caafimaad, cunto iyo hoy. Iyada oo socdaalka caalamiga ah uu badankiisu xaniban yahay, qaybta caawimada bixisaa waxa ay la halgami doontaa inay keento taageero gaadhsiisan xajmiga loo baahan yahay.

 Waxa jira khataro ah in caawimadu ay sii holciso xiisadaha jira; iyada oo loo leexinayo kuwa ku hawllan rabshadaha, iyada oo loo arki karo inay u tagayso hal koox si ka badan koox kale, ama in loo qaybiyo hanaan sii xoojisa dhinac u riixista bulshooyin gaaar ah ama kooxo. Kuwan soo socdaa waa lix talo-soo jeedimood oo ku dhisan mabaadi'da iyo dhaqamada ku dhisan xisaab ku darsashada xaasaasiyadda khilaafaadka ee la xidhiidha qaabka ay tahay in hay’adaha caawimadu ay u fal celiyaan:

1. Fal-cellinta ugu waxtarka badan ee laga sameeyo COVID-19 waxa ay wax ka baranaysaa waxyaabaha ay ku guuldaraysteen fal-cellinadii laga sameeyey xiisadihii hore uga dhacay Soomaaliya, waa in lagu dul-dhiso shaqada hada socota oo la eego mustaqbalka

Saamaynta uu COVID-19  ku yeelanayo Soomaaliya ma go’aaminayso oo keliya dabeecadda cudurka, balse sidoo kale waxa go’aaminaya xaaladda bulsho iyo siyaasadeed ee dalka. Sidaas oo ay tahay xiisadihii hore uga dhacay Soomaaliya, hababka ku wajaha arimaha iyada oo la iska dhawrayo khataraha ee ay sameeyeen hay’adaha caawimadu waxa ay iska ilaaliyeen hawsha qasan balse muhiimka ah ee ah in la dhiso awoodda ay bulshadu u leedahay inay horumarka iyo inay maarayso xiisadaha ku soo socda. Xilligan waxa loo baahan yahay in hay’adaha caawimada bixiyaa ay taageero siiyaan fal-cellinta ay ka sameeyeen COVID-19 bulshada Soomaaliyeed, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha dawladdu. Caawimada waxa loo isticmaali karaa in lagu taageero, lagu fal-geliyo islamarkaana lagu kordhiyo barnaamijyo cusub oo ku xidhiidhsan in wax laga barto hababka hada jira ee lagula tacaalo dhibaatooyinka jira, ha noqdaan qaybta bulshada, is-bedelka cimilada ama maamulka liita. Tusaale ahaan istiraajiyadda 2020 ee Kooxda Ilaalinta ee Soomaaliya (Somalia Protection Cluster) waxa ka go’an inay bartilmaameedka saarto ka hortagga khilaafka iyada oo taageraysa hababka xallinta khilaafaadka ee bulshada ku dhisan. Balse kobcinta bulsho taariikh ahaan kala qaybsan waxa la socda khataro. Maalgelin balaadhan oo lagu sameeyo dawladda federaalka ahi waxa ay sii xoojin kartaa cabashooyinka jira ee laga qabo dawladda federaalka ah, kuwaas oo ay ka mid tahay kuwa ay qabaan dawladaha xubnaha ka ah federaalku, taas oo ku yeelan kartaa saamayn bulshooyinka.  Khataraha caynkaas ah waa in si buuxda loo ogaado oo loo dejiyo, loo fahmo islmarkaana si ku talo gal ah loo maareeyo ee aan la is-dhaafin, si loo goosto miraha faa’iidada ay leedahay in lagu shaqeeyo hawlaha hore u sii socday iyo hanaanka shaqo ee jira, halkii dhulka laga soo bilaabi lahaa iyo meel cusub.

2. Taageer oo kobci fal-celin ay Soomaalidu hogaaminayso

Iyaga oo u leh aqoon aan lala tartami karin khilaafaadka iyo xaaladda ay ku shaqeeyaan, ururada ay hogaamiyaan Soomaalidu iyo kooxaha bulsho waa inay noqdaan qayb muhiim ah oo ka mid ah fal-cellinta bani-aadantinimo (humanitarian response). Tan macneheedu wuxuu noqon karaa in hay’adaha caalamiga ah ee caawimada bixiyaa inay dejiyaan habab wada-shaqayneed oo cusub oo ay la yeeshaan ururada Soomaaliyeed. Kuwaasi waxa ay bartilmaameed ka dhigan karaan jadwal ku dhisan mudo dheer, iyaga oo awood ugu yeelanayaan sidoo kale baahiyaha is-bed-bedelaya ee bulshooyinka. Is-kaashigaasi waa inuu noqdaa mid ka fogaada xidhiidh wax is waydaarsi – kaas oo hay’adaha Soomaaliyeed laga filanayo inay adeeg bixiyaan oo ay maamulaan khataraha la xidhiidha barnaamijyada lagu maageliyay islamarkaana ay qorsheeyeen ururada caalamiga ah – iyada oo loo dhaqaaqayo wada-shaqayn labada dhinac ka socota; xidhiidh loo diyaariyay inuu noqdo mid sii jira. Waxa ay mudnaanta siin karaan in la dhiso is-aaminaadda, la abuuro deegaan dhiirigeliya doodda iyo wada hadal daacadnimo ku dhisan oo laga yeesho khataraha xasaasiyadda khilaafaadka kuwaas oo inta badan qarsoon marka lagu hawl galo fekerka aan saxda ahayn ee ku dhisan in si buuxda oo dhamaystiran loo raaco tilmaamaha caawimada ee la dejiyay. Bilawga u horeeyaba, waa in cidda iskaashiga lala leeyahay ee Soomaaliyeed laga taageero inay diyaariyaan istaraatijiyado ay iyagu leeyihiin, ha noqoto taageero maaliyadeed oo aasaasi ah (core funding) oo sanado badan socda, ama iyada oo loo marinayo xoojinta khayraadka ka fal-celiya baahiyahooda. Taalaabo degdeg ah oo ay tahay inay noqoto ta koowaad waxa ay noqon kartaa in laga taageero ururada Soomaaliyeed inay maareeyaan khatarta dhow ee ah inay shaqaalahooda iyo cidda ay la shaqeeyaan ay qaadaan cudurka, xitaa hadii taas macneheedu noqonayso in maalgelinta lacageed tahay mid lacagta hawlaha degdegga u iman kara loo dhigo (contingency) marka barnaamijyadu ku jiraan hakadka. 

3. Fal-cellintu waa inay xisaabta ku darsato jinsiga (gender)

Dhaqanka Soomaaliyeed ee ku dhisan saraysiinta raggu waxa macnihiisu yahay in ay u badan tahay in haweenku si badan marka la barbar dhigo ragga, ay u qaataan doorka ah inay daryeelaan xubnaha qoyska ee uu ku dhaco COVID-19, taas oo kor u qaadaysa fursadda uu iyaga ugu dhici karo. Qaar badan ayay qasab ku noqon kartaa inay joojiyaan hanaankii uu dakhligu ku soo geli jiray ama waxbarashadii ay wateen. Durba, kala doorashadan waxa sameeyey dumar badan oo Soomaaliyeed, iyada oo xanibaadaha socodka iyo mamnuucidda lagu soo rogay isku imaatinka dadwaynaha uu baabi'iyay ka ganacsiga qaadka, islamarkaana uu xidhay maqaaxiyaha shaaha, kuwaas oo badankooda ay maamulaan dumarku. Sidoo kale raggu si ay u bixin karaan dakhliga qoyskooda waxa culays ku fuuli karaa inay iska indho tiraan xanibaadaha ama talooyinka lagu siiyay inay kala durkaan, iyaga oo socdaal gelaya ama xaaladaha qaar ku biiraya kooxaha hubaysan. Waxa jirta khatarta ah in adeegga dawladda ee culayska badani saaran yahay iyo hay’adaha caawimada bixiyaa in aanay mudnaanta ku darin adeegga muhiimka ah ee sida gaarka ah u bartilmaameedsada haweenka, iyada oo ay jirto khatar sii kordhaysa oo ah in xadgudub loo gaysto haweenka sababta oo ah culayska maskaxeed ee ka dhashay fayraska saf-marka ah iyo raadkiisa dhaqaale, bulsho ama nafsiyeed. In laga fal-celiyo khatarahaasi waa muhiim, balse wacyigelin ku saabsan hanaanka caawimadu ay ku xoojin karto sinaan la’aanta jinsiga (gender inequalities) ama ay ku kobcin karto khatarta xadgudubyada galmo ama jinsi ayaa si la mid ah u ah muhiim. Ururada ay jinsiga (gender) kala duwani matalaadda haboon ku leeyihiin waxa ay sida ugu wanaagsan u qaabayn karaan oo u fullin karaan hababka xisaabta ku darsada jinsiga.

4. Bixinta lacagta naqadka ahi (Cash transfers) waa inay xisaabta ku darsato suuqyada nugul (fragile markets)

Dhaqaalaha Soomaaliya waxa saamayn culusi ka soo gaadhi doontaa raadka caalamiga ah ee COVID-19. Ilaha dakhli ee lagu kalsoonaan karo sida xawilaadaha, oo ka ah ilaa sadex meelood dhaqaalaha, iyo dhoofinta xoolaha ayaa burburay markii dhaqaalaha caalamka uu soo wajahay fayrasku. Caawimadu waxa ay noqon doontaa xitaa alaab ay adag tahay in la helo sababta oo ah caawimada maaliyadeed sida muuqata hoos ayay u dhacaysa iyada oo dalalka deeqaha bixiyaa ay awoodda saari doonaan hagaajinta waxyeelada uu COVID-19 ku keenay dalalkooda. Waxa ay caawimadu keenaysaa markaas waxa ay noqon doontaa mid loo galo tartan culus, oo ay suurtagal tahay inuu gacan ka hadal noqdo, oo ka dhexeeya bulshooyinka dhexdooda ama dhinacyo hubaysan oo doonaya inay leexiyaan caawimada. Waxa jira khataro ah inay ku keeni karto saamayn khatar leh, marin habaabin ah, dhaqaalaha, hadii aan si taxadar leh loo qaybin.

 Bixinta lacagta naqadka ahi (cash transfer) waxa ay door muhiim ah ka ciyaarta inay buuxiso khasaaraha ka dhashay lumitaanka dakhliga laga helo xawilaadda qurbo joogta oo il muhiim ah oo lacageed u ah qoysas badan. Balse raadkeedu wuxuu ku xidhan yahay qaybta gaarka loo leeyahay oo shaqaysa oo awood u leh inay keento alaabta lagu iibsanayo lacagta naqadka ah. Iyada oo COVID-19 ay u badan tahay inuu ka dhigo ganacsiga iyo isku gudubka xuduudaha mid sidii hore ka adag, way adkaan kartaa in alaabtu soo gaadho suuqa. Sidaas darteed, lacag naqad ah oo la bixiyaa waxa ay sii xumayn kartaa sicir bararka oo is-hortaagi kara in dadka ugu nuguli ay helaan alaabta aasaasiga ah, taas oo saamayn dheeraad ah ku yeelan karta kooxaha nugul ee aan hellin lacagta naqad ahaan loo qaybiyay. Waxa suurtagal ah in tani abuurto ama sii xoojio xiisadaha dhexyaal bulshada, gaar ahaan hadii kuwa hela iyo kuwa aan hellin lacagta naqadka lagu qaybiyo ay u kala qaybsan yihiin qabiilo ama ay jirto sinaan la’aan jinsiga ah (gender inequalities). Hay’adaha qaar ayaa si joogto ah kooxo ugu xilsaara inay kormeer ku sameeyaan qiimaha oo ay sahamiyaan hanaan lagu taageero suuqyada iyo sidoo kale bulshooyinka si dhibaatada wax looga qabto. Intaas waxa dheer in xog wadaag balaadhan oo la sameeyo iyo wada tashi lagala yeesho kooxaha kala duwan raadka ay yeelan karto lacag qaybintu, waxa uu keeni karaa hage faa’iido leh oo la isticmaali karo, taas oo ay barbar socoto in Koox Hawleedka Soomaaliya ee lacagta naqadka ahi ay soo ururiso casharada la bartay.

5. Xogta iyo casharada la barto waa in qaybaha oo dhami isku keenaan oo wadaagaan

In lafo-guris lagu sameeyo xaaladda Soomaaliya waxa ay noqon kartaa mid xasaasi ah, ay adag tahay in la soo saaro islamarkaana qaali ah, balse waxa ay muhiim u tahay in loo gaadhsiiyo caawimada hanaan xisaabta ku darsada xasaasiyadda khilaafaadka. Marar badan lafo-gurka waa la sameeyaa balse looma gudbiyo oo lalama wadaago bulshada balaadhan ee ku hawllan caawimada. Tani waxa ay keentaa in hawluhu isku dul dhacaan (duplication) iyo in si aan haboonayn loo isticmaalo khayraadka. Ilaa xad, hay’aduhu waxa ay ka dhigi karaan lafo-gurka lagu sameeyo khilafaadka qayb ka mid ah qiimaynta baahiyaha ee ay si wada jir ah ku sameeyaan, islamarkaana kormeerka jira ee lagu sameeyo khilaafka iyo gacan-ka-hadalka waxa lala wadaagi karaa dhamaan ururada, iyada oo aan la eegayn takhasuskooda. Ururada Soomaaliyeed waxa ay daruuri ugu yihiin fal-celinta si aad u wayn, iyada oo in si daacad ah looga hadlo qaab socodka khilaafaadka ay noqon doonto mid xaasaasi ah balse ah hab si wayn faa’iido u leh. In xogtan iyo lafo-gurkan la isku keeno, islamarkaana hay’adaha taageerada bixiyaa ay turjumaan oo ay isticmaalaan waxa ay badbaadinaysaa khayraad badan xilli lacagaha laga helo deeq bixiyeyaashu ay noqon karto mid xadidan. Sidoo kale waxa ay ka dhigaysaa fal-cellinta mid dimoqraadi ah oo u awoodsiinaysa ururada ay hogaamiyaan Soomaalidu inay dejiyaan aasaas xoogan oo fahan kaas oo hay’aduhu ay ku dul dhisi karaan xiisadaha mustaqbalka iman kara.

6. Abuurista kalsoonida dadwaynuhu ku qabo farriimaha caafimaad

Iyada oo muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya uu yahay mid kala daadsan, fariimaha is-khilaafsan ee ku saabsan COVID19 iyo hababka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo in la qaado waa kuwo badan oo dhalay natiijo ka soo horjeedda tii looga dan lahaa (counterproductive). Talaabooyin lagu xidhayay masaajidada iyo madaarista Quraanka waxay culimadu ka seemeeyeen jawaab-cellin isku dhafan, halka Al-shabaab ay kaga adkaysatay in cudurku yahay mu’amarad reer Galbeed. Hogaamiyeyaasha mucaaradku waxa ay xilli sii horeysa ku baaqeen in doorashada la qabto iyada oo aan la eegayn khataraha in cudurka la qaadaa ay ku keeni karto kuwa ka qayb-qaadanaya. Gunta iyo gebo-gebadu waxa ay tahay in hay’adaha mucaawimada bixiyaa ay la shaqayn karaan bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed si loo aqoonsado shebekado is-gaadhsiineed oo lagu kalsoonaan karo oo gaadha kooxaha nugul. Soomaalida ayaa dabadeed hogaaminaysa in la dejiyo farriimo ku haboon, hababka lagu gudbinayo ee lagu gaadhsiinayo dadka si balaadhan iyada oo la isticmaalayo xidhiidhada ay leeyihiin hogaamiyeyaasha diimeed iyo dhaqan, ka hor intaan la dersin sida ay dadku u fasiranayaan farriimahaas.

 Soomaalidu waxa ay wajahayaan maalmo badan oo adag iyada oo ay cadahay in COVID-19 uu ku sii xoogaysanayo dalka. Bulshada caalamiga ah ee mucaawimooyinka bixiyaa waxa ay ciyaari karaan door is-kaashi oo muhiim ah si looga hortaggo in fayrasku uu yeesho saamayntiisa ugu xun. Balse Soomaalidu waxa ay u qalmaan fal-cellin buuxisa waxa ay doonayaan iyo filashooyinkooda islamarkaana ka faa’iidaysata fursadaha is-kaashiga, nabad dhiska iyo hogaaminta Soomaalida. Tani waxa ay u baahan tahay hab ku canqarsan aqoonta Soomaalida, islamarkaana ay naqshadeeyeen oo ay isku duween bulshada rayidka ahi. Iyada oo caafimaadka dadwaynuhu uu hada yahay mudnaanta, fal-cellintu waa inay aqoonsataa oo ay raadisaa inay wax ka qabato khilaafka ragaadiyay dalka mudo dheer ka hor COVID-19, balse waa inaan la iska indho tirin ama, kaba sii xune, aan dabka lagu suu hurin.

Sawir: gabadh yar oo saf ugu jirta xarun quudineed oo ku taal Muqdisho, 2017 (Sawirka waxa leh: Sawir-qaadista Qaramada Midoobay/Tobin Jones).