Wararka iyo dhacdooyinka

Saferworld oo tababar u qabatay Guddiga Latalinta Boliiska (PAC)

30 October 2020 Abdijalil Tahir

Saferworld oo tababar u qabatay Guddiga Latalinta Boliiska (PAC)
Saferworld ayaa tababar siisay gudiga latalinta Boliiska (Police Advisory Committee) ee loo soo gaabiyo PAC, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay October 24 – 29, 2020. Xubnaha ka soo qayb galay tababarka oo kala socday sadexda magaalo ee mashruucu ka shaqeeyo oo kala ah Baydhabo, Kismayo iyo Muqdisho waxay tiradoodu dhamayd 34 xubnood oo kala ahaa 22 rag ah iyo 12 haween ah. PAC waa koox mutadawiciin ah oo ka kala socda qaybaha bulshada oo ay ku jiraan culimo, oday dhaqameedyo, aqoonyahano, haween, dhalinyaro, abukaateyaal ama garyaqaano, dadka xuquuqda aadamaha u dooda, boolis hore iyo kuwa hada ka tirsan booliska waxaana ay kormeeraan dhamaan saldhigyada iyo xabsiyada magaaloyinka ay ka hawlgalaan iyagoo u kuurgala xaalada maxaabiista islamarkaana u fidiya adeegyada ay u baahan yihiin maxaabiista nuguli. Tababarkan ujeedadiisu waxay ahayd sidii xubnaha PAC looga kobcin lahaa xirfadaha u qareemista dadka nugul ee xabsiyada ku jira si ay adeegyada ay u baahan yihiin ugu fidin lahaayeen isla markaana kor loogu qaadi nolosha maxaabiista.

Xubnaha PAC @saferworld 

Intii tababarku socday waxay xubnaha PAC dib u eegis ku sameeyeen wixii u qabsoomay sanadka 2020, caqabadihi soo wajahay iyo fursadaha horyaala, iyagoo ugu dambayntiina samaystay qorshaha u qareemista ee sanadka soo socda iyo meelaha ay xooga saari doonaan. 

Tababarkan waxa la qabtay iyadoo la raacayo tilmaamaha loo dejiyay ka hortaga cudurka safmareenka ah ee COVID-19 oo ay ku jirto inay xubnuhu kala fogaadaan, isla markaana afka xidhaan xilliga tababarku socdo.