Qabaa’il, Iskuqabsi iyo isu tanaasul: Udhammaan iyo federaaleynta Galmudug

Ayada oo ka dab-qaadeysa dastuurka ku meel-gaarka ah ee 2012, federaaleynta Soomaaliya waxay doontay in ay wax ka qabato caqabado badan oo dalka soo food saaray tan iyo intii ay burburtay dowladdii dhexe ee sagaashameeyadii. Dawga federaaleyntu ma ahayn mid siman, taas oo sababtay in maamul-goboleedyadu ku dhismaan si aan habeysneyn oo keentay isqabqabsi badan oo gudahooda ah iyo mid maamullada kale ahba.

Warbixintu waxay sahmineysaa sida hankii furfuritaanka dawlanimada – sida maamul dhow oo lala xisaabtami karo, adeegabulshadoo hagaaga, iyo amni iyo cadaalad bulshada u dhega fudud – ay uga soo muuqdeen jawi qaab-dhismeedka qabiilku qaabeeyo nolosha bulsho iyo midda siyaasadeedba. Warbixintu waxay dhuurgaleysaa haddii federaaleyntu ay furtay qaybaha bulshada, albaabada udhammaanta iyo matalaadda – taas oo astaan u ah suurtagalnimda doorashooyinka ‘Qof iyo Cod’ ka ee 2020-2021ka.

Waayo aragnimada Galmudug waxay tusaale u noqon kartaa hayaanaka Federaaleynta ee Soomaalya guudahaan, iyo haddiba laga qaadan karo qaab horseedi kara nabad iyo degganaansho muddo dheer ah iyo sidaas oo kale laga qaadan karo wax-barasho ballaaran kusaabsan nidaamka furfuritanka dawladnimo khaasatan wadan ay halakeeyeen khilaafyo iyo nugeyl dawaldnimo.

Halkan ka degso warbixinta.

Akhriso wareysiga aan la yeelanay qoraayaasha sahminta sababta federaal loo qaatay, inay gacan ka gaysatay ka mid noqoshada iyo mustaqbalkeeda Soomaaliya (Ingiriis).

Warbixintan waxay qayb ka tahay Iskaashiga Cilmi baarista Nabadda – wixii faafaahin dheeraad ah ka akhri halkan (Ingiriis). Macluumaadkan waxaa maalgeliyey gargaarka UK ee dawladda Ingiriiska; laakin aragtida lagu muujiyey halkan kama turjumeyso siyaasadaha rasmiga ah ee dowladda UK.