Shaqaalaha Saferworld Soomaaliya iyo Somaliland

Ali Ahmed Hersi, Agaasimaha Saferworld ee Soomaaliya iyo Somaliland

Ali Hersi wuxuu ku soo biiray Saferworld bishii June sanadkii 2018 isaga oo noqday Agaasimaha Soomaaliya iyo Somaliland. Waxa uu leeyahay khibrad ku dhow 20 sanadood oo ah hogaaminta, naqshadaynta barnaamijyada iyo fullinta oo uu ka soo qabtay ururo bulshada rayidka ah oo kala duwan. Waxa uu soo maamulay barnaamijyo aad u kala duwan oo ku saabsan gargaarka degdeg ah (emergency relief) iyo dib u dejinta, nabad dhisidda iyo xallinta khilaafka, amaanka cuntada iyo hab nololeedka, iyo sidoo kale horumarka guud ee Kenya, Somalia, Itoobiya iyo Suudaanta Koonfureed.

 Ali waxa uu qaatay shahaadada digriiga labaad (master’s degree) oo uu ku qaatay nabadda iyo caddaaladda, oo uu ku dhameeyey Fulbright iyo deeqda waxbarasho ee safiirnimada caalamiga ah ee Rotary (Rotary international ambassadorial scholarships), iyo shahaado digriiga labaad oo kale oo uu ku qaatay xidhiidhka caalamiga ah oo uu ka qaatay Jaamacadda Warsaw ee dalka Boolaan (Poland).

Maryam Abdi, Maamulaha Marshuuca ARC, Soomaaliya

Maryam waxa ay hadda tahay Maamulaha Marshuuca ARC ee ay Saferworld ka wado Soomaaliya. Barnaamijku waxa uu taageeraa inuu bixiyo barnaamijka amniga bulshada ee Soomaaliya. Waxa ay leedahay khibrad ka badan 10 sanadood oo ay u  leedahay barnaamijyada Geeska Afrika ee ku saabsan maamul wanaagga, awood siinta dhalinyarada,  dib u habaynta waaxda amaanka, iyo caawimada banii-aadantinimo ee degdeg ah. Ka hor intaanay ku soo biirin Saferworld 2017, Maryam waxa ay ka shaqaysay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (the International Organization for Migration) oo ay ka ahayd Sarkaalka Kormeerka, Qiimaynta iyo Waxbarashada si loo taageero dib-ugu soo cellinta bulshada dhalinyarada ku jira khatarta iyo in la dhiso awoodda dawladda federaalka Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah ee ku aadan dhalinyarada khatarta ku jirta, halkaas oo ay si guul ah ku hagtay xirfad dhisidda dhalinyarada Soomaaliya, ay isku duba-riday taageero nafsi-bulsho oo la siiyo dhalinyarada nugul, iyadoo sidoo horumarisay shaqada wasaaradaha ee ku saabsan la xidhiidhista dhalinyarada.

 Maryam waxa ay sidoo kale la shaqaysay Oxfam oo ay ka ahayd Sarkaalka Kormeerka, Qiimaynta, Waxbarashada iyo Isla-xisaabtanka ee barnaamijka banii-aadantinimo ee Soomaaliya oo ay haysay mudo shan sanadood ah, halkaas oo ay ka dejisay habab kormeer iyo qiimayn  goobo ay adag tahay in la gaadho, oo ay ku jiraan inay kala shaqaysay cidaha iskaashiga ay la lahaayeen halbeegyada banii-aadantinimo ee laf dhabarka ah iyo jinsiga ee xaaladda degdeg ah. Maryam waxa ay digriiga labaad (master’s degree) ku qaadatay cilmiga bulshada (sociology) oo ay ka qaaday Jaamacadda Nayroobi (Nairobi University).