Photo credit: Tobin Jones/UN
Photo credit: Tobin Jones/UN

Amniga bulshada

Khilaaf dabo dheeraaday oo ka jira Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya ayaa ka hor-istaagay Soomaalida ku nool gobolo badan inay ku wada noolaadaan si nabad ah. Inta badan gacan ka hadalka ayaa loo adeegsaday in lagu hello awood iyo khayraad. Khilaaf joogto ah oo ka jira gobolka aya caqabad ku noqday horumarka hay’ado dawladeed oo xooggan, aan eex lahayn oo lala xisaabtamo. Adeegyada amni ee dawladda, sida booliisku, waxa ka maqan sharcinimada (legitimacy) iyo dhex-dhexaadnimad, oo waxa ay si joogto ah si xun ugu isticmaalaan awoodda.

 Taasi waxa ay dhashay, jiritaanka is-aamin la’aan iyo khilaaf heer sare jooga oo ka dhexjira bulshooyinka dhexdeeda iyo bulshada iyo dawladda. Qabiiladu waxa ay inta badan u jihaystaan inay la yimaadan nidaam amaan oo ay iyagu bixiyaan, iyada oo jilayaal hubaysani ay si joogto ah u isticmaalaan xoog si ay u xallilaan khilaaf oo ay u muujiyaan awoodooda. Sababta oo ah maqnaanshaha hab is-raacsan oo loo dhan yahay oo lagu wajaho amaanka dadka (human security), kooxaha hubaysan sida al-Shabaab ayaa ku tanaaday qaybo badan oo dalka ka mid ah.

Saferworld waxa ay la shaqaynaysaa cidaha ay iskaashiga la leedahay ee ka jira sadex gobol oo Soomaaliya ah  – Banaadir, Dawlad Goboleedka Jubaland iyo Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed – si wax looga qabto is aaminaad la’aanta keentay dagaalada iyo khilaafyada ka dhex jira bulshooyinka. Waxa aannu samaynaa inaanu ka taageerno cidaha aannu iskaashiga leenahay inay abuuraan kooxo tilmaama oo aqoonsada walaacyada amaan ee saameeya bulshooyinkooda. Waxa aannu kadib taageernaa kooxahaas si ay ula shaqeeyaan hay’adaha amaanka bixiya si loogu hello xalal walaacyadaas.

 Waxa aannu sidoo kale kala shaqaynaynaa cidaha aannu iskaashiga la leenahay in loo aasaaso gudi la talineed oo heer qaran ah adeegyada booliiska. Gudiyadaas – oo ka kooban wakiillo bulshada rayidka ah, saraakiil hore oo booliiska ka tirsanaaan jiray, qareenno, iyo saraakiil dawladeed – waxa ay si joogto ah u booqan doonaan saldhigyada booliiska si ay u qiimeeyaan shaqadooda oo ay u soo celiyaan aragtidooda ku aadan waxyaabaha la horumarin karo. Waxa aannu u isticmaalnaa cadaymaha lagu soo ururiyo hanaankaas inaanu soo jeedinno talooyoin si loo horumariyo siyaasadda – si loo abuuro hay’ado lala xisaabtamo oo loo dhan yahay kuwaas oo ay dadku ku leeyihiin door iyo cod marka wax laga qabanayo walaacyada iyo cabashooyinka ay qabaan.