Photo credit: Stuart Price/UN
Photo credit: Stuart Price/UN

Maamulka iyo dimoqraadiyadaynta

Khilaaf hubaysan oo Soomaaliya ka socday soddon sanadood ayaa baabi'iyay qaab-dhismeedkii hay’adeed [ee dawladda] oo si daran waxyeello ugu gaystay dhaqaalaha bulshada dhaqan ahaan xoolo dhaqatada ah. Abaaro xun, khilaafka qabiilada ka dhex jira, musuqmaasuq iyo weerarada Al-Shabaab ayaa dhamaantood sii xumeeyey xaaladda ku saabsan ammaanka iyo marin-u-helidda caddaaladda, shaqooyinka, daryeelka caafimaadka, cuntada iyo nafaqada.

 Haseyeeshee, waxa jira sababo aynu u niyad samaanno. February 2017, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa loogu doortay madaxwayne hanaan ka qayb qaadashadiisu badnayd marka la barbar dhigo kuwii ka horeeyey. Shaqada ku aadan qabashada doorasho hal qof iyo hal cod ah sanadka 2020-21 waa in hadaba la sii bilaabo, balse tubta dimoqraadiyadda Soomaaliya waxa ay noqon doontaa mid aayar socod ah oo caqabado badani horyaalliin, gaar ahaan marka la eego dhulka balaadhan ee ka baxsan gacanta maamulka rasmiga ah ee dawladda.

 Marka laga yimaado abaarta, Somaliland waa nabad oo waxa ay November 2017 u dooratay madaxwyne cusub, Muuse Biixi Cabdi, doorasho ay ku tilmaameen kormeerayaasha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahi mid xaq ah oo metelaad ku dhisan – taas oo ah guul wayn marka la eego xasilooni darada gobolka ka jirta. Saferworld waxa ay sii wadi doontaa inay la shaqayso bulshada rayidka ah iyo daneeyayaasha dawladda si loo dhamaystiro doorashooyinka golaha wakiiladda iyo golayaasha deegaanada ee qorshaysan sanadka 2021, kuwaas oo ku sallaysan shuruuc cusub oo kobcinaysa inay noqoto mid loo dhan yahay (inclusive) oo leh metelaad iyada oo loo marayo in kuraasta baarlamaanka loo qoondeeyo gobolada si xaq ah iyo hab cusub oo ay ka mid tahay kootada dumarka.

Saferworld waxa ay ka ciyaaraysaa door muhiim ah inay taageerto dimoqraadiyadaynta iyo kobcinta hab-maamulka Soomaaliya iyo Somaliland labadaba. Annaga oo la shaqaynayna ururada bulshada rayidka ah ee bixiya adeegyo muhiim ah oo caadiyan soo hoos gala masuuliyadda dawladda, waxa aannu gacan ka gaysanaa in la dhiso xidhiidh wanaagsan oo dhex mara dawladda iyo  muwadiniinta. Saferworld ujeedadeedu waa inay xoojiso ka qaybgalka iyo saamaynta bulshada rayidka ah ay ku leeyihiin geedi-socodyada siyaasadaha muhiimka ah iyo go’aan gaadhista ku saabsan nabadda, amaanka iyo horumarka. Waxa aanu gacan ka gaysanaa aasaasidda iyo dejinta fagaarayaasha jilayaasha aan dawliga ahayn* ee Somaliland (SONSAF), Puntland (PUNSAA) iyo  Koonfurta iyo Badhtamaha Somalia (SOCSENSA). Fagaarayaashaasi waxa ay u abuureen dadka Soomaalida ah marin laba dhinac ka socda oo ay ku xidhmaan islamarkaana kula xidhiidhaan kuwa siyaasadda dejiya ee heer qaran iyo heer caalami ah – taas oo muhiim u ah maamul loo dhan yahay maadaama oo ay adag tahay in codadka muwaadiniinta la dhegaysto. Sharcinimada fagaarayaashu waxa ay ku tiirsan tahay inay u dhan yihiin ka soo qayb galayaal kala duwan oo ka soo kala jeeda qaybaha kala duwan ee bulshada, iyo hab wada tashi oo lagu wajaho dejinta siyaasadaha. 

 Saferworld waxa ay ka taageertaa ururada bulshada rayidka ah inay kormeeraan geedi-socodka dimoqraadiyadeed ee Soomaaliya iyo Somaliland. Tusaale ahaan, mudadii loo diyaar garoobayay doorashadii madaxtooyo ee ka dhacday Somaliland 2017, Saferworld waxa ay taageertay aqoonta cod-bixiyayaasha ee  ku saabsan habka diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, waxa ay dhistay aqoonta sadexda xisbi siyaasadeed ee ku tartamay doorashada, islamarkaana waxa ay tabobartay oo ay hawlgelisay 620 kormeerayaal doorasho ah oo maxalia ah. Waxa aannu sii wadi doonaa inaanu ka shaqayno oo xilli hore bilawno doorashooyinka baarlamaan iyo gole deegaan sanadka 2021, annaga oo bilawnay inaanu ka taageerno baarlamaanka wax-ka-bedelka xeerka doorashada golaha wakiilada.

Iyada oo casharo laga baranayo geedi-socodyada nabadeed ee aduunka oo dhan waxa aannu sidoo kale cilmi-baadhis iyo lafo-gur ku samaynaa waxyaabaha ku wareegsan khilaafyada iyo sida ay u caawin karaan ama u waxyeelayn karaan heshiisyada nabadeed ee ay suurtagalka tahay in la galo.

*Waxa lagu qeexay: qof ama urur leh saamayn siyaasadeed oo wayn balse aan is-bahaysi la lahayn dal gaar ah. 

 

News and analysis

All news and analysis

Publications

All publications