Tagtadii, joogtada iyo timaadada: aragtida amaanka bulshada ee Soomaaliya

Saamaynta uu dagaalka sokeeye ee Somalia uu ku yeeshay shacabka waa wax muuqda ilaa iyo maanta. Tan iyo 1991kii, inkasta oo horumar wayn laga sameeyey dhinaca maamulka, bulshadu waxa weli la tacaalayaan saamaynta uu kaga tegay khilaafku oo ay u dheer tahay walaacyo cusub oo amaanka laga qabo. Saferworld waxa ay wada shaqayn is-kaashi la leedahay Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (Somali Women’s Development Centre (SWDC) iyo Ururka Midnimada Haweenka Soomaaliyeed (Somali Women Solidarity Organization (SWSO) si wax looga qabto amaan-darada iyada la adeegsanayo madalaha waxqabadka bulshada si kor loogu qaado codka dadka, gaar ahaan kuwa dhinaca loo riixo, islamarkaana gacan looga gaysto in nabadda xaga hoose laga soo unko. Waxa aannu la hadalnay lix xubnood oo bulshada ka tirsan kuwaas oo ay saamayn ku yeelatay hawshani.

Salma*

Salma* waa hooyo 45 jir ah oo leh sagaal caruur ah, islamarkaana ka mid ah dadka dalka gudihiisa ku baro-kacay ee ku nool Kismaayo, Somalia. Wax ay mac-macaan ku samaysaa gurigeeda si ay uga hesho dakhli yar, waxa ay ku biirtay madasha waxqabadka bulshada si ay wax uga qabato dhibaatooyinka bulshadeeda soo food saara.

 “Bilawgii markii dagaalka sokeeye socday waxa aanu iskaga gudbi jirnay gobolada Somalia hadba mid. Dabadeed waxa aanu u cararnay Kenya oo waxa aanu degnay xerada qaxoontiga ee Utange ee ku taal inta u dhaxaysa Malindi iyo Mombasa. Weligay ma ilaawi doono waxa aan ku arkay xadka markii aan la kulmay dad qaxaya. Waxa naga mid ah dad dhaawac ah, dumar, caruur iyo xitaa hogaamiyayaal. Waxa weerarku nagaga socday dhinac walba. Dhamaan dadkii dhaawaca ahaa iyo raggii waa la lalaayay; dumarka iyo dadka aadka u waawayn ayaa la daayay. Markii aannu Kenya tagnay, habeen baa xeradii la gubay oo dhamaanteed dhulka lala simay. Annaga oo xidhan dharkii aanu ku hurudnay ayaanu debedda u cararnay; dhamaan wixii aannu haysanay oo dhan ayaa halkaas ku gubtay. Xerada waxa la gubay mar labaad iyo mar sadexaad.  

 Sanadkii 1995 ayaannu ku soo noqonay Somalia oo waxaannu degnay Kismayo sababta oo ah waxa ka jiray waxooga degenaansho ah. Markii aannu soo noqonay awood umaanu lahayn inaanu kiraysano guryo, markaa waxa qasab nagu noqotay inaanu dhisano guryo cooshado ah oo ka samaysan caagado.

 Markii aanu Kenya joognay baahida aasaasiga ah waxa naga dabooli jiray ururada gargaarka bixiya. Markii aanu Somalia nimi, inkasta oo amaanka aanu halkan ku haysanaa uu fiican yahay, cid noo soo jeedaa ma jirto. Ka hor sanadkii 2017, noloshu khatar ayay ahayd sababta oo ah dagaallo ayaa ka dhex socday maleeshiyo kala duwan, balse hada xaaladdayadu aad ayay u fiicnaatay. Weli waxa jira dhac habeenkii marka la seexdo; tuugadu waxa ay xadaa wax kasta oo ay gacanta ku dhigto sida dharka iyo cuntada. Tuugta qaarkood xitaa waxa ay kufsadaan haweenka iyo hablaha yaryar iyaga oo ugu xoog sheeganaya mindiyo. Guryaha aannu ku noolahay maaha kuwo amaan ah.

Markii u horeysay ee aan maqlay madasha waxqabadka, waxa aanu u malaynayay inay tahay kaftan ama ku-tidhi-ku-teen. Waxa aan ku idhi xitaa ciidanka booliiska ayaan daamanad qaadi karin badqabkayaga.

"Waxaannu dawlad la’aan ahayn 27 sanadood, markaa waxa aan la qabsanay inaanu arimaha anagu xallilanno."

 Waxa aan bartay in madashu tahay urur bulsho oo wanaagsan oo ilaaliya amaanka. Waxa ay ka sameeyaan wacyigelin [ku saabsan arimaha keena khilaafka iyo siyaabaha loogu maaro helli karo hanaan nabad ah] xerada qaxoontiga, hada dadku si fiican ayay uga war hayaan xadgudbyada ay ka midka yihiin kufsiga, waxyeelada jidhka loo gaysto, iyo in caruurto loo diido inay helaan xuquuqdooda. Madashu waxa ay ka samaysaa aqoon is-waydaarsiyo xerooyin kala duwan oo  waxa ay u qabtaan kooxo kala duwan, sida dumarka, dadka waawayn iyo dhalinyarada. Dumarku caadiyan way qajilaan oo waxa ay xogta muhiimka ah la wadaagi karaan oo keliya dumarka kale – sidaasdarteed madasha waxqabadku waxa si guul ah ugu ololaysay in dumarka lagu daro booliiska, iyo maxkamadaha si ay dacwadaha dumarka wax uga qabtaan.

 Maadama oo aan hada xubin ka ahay madasha, waxa aan ahay qofka caadiyan soo abaabusha dadku si ay uga qabygalaan aqoon is-waydaarsiyada lagu qabto xeradayada. Kuwa ka soo qaybgalaa waxa ay xogta sii gaadhsiiyaan dadka kale. Dumarku waxa ay hada fahamsan yihiin inay u baahan yihiin inay qayb ka noqdaan siyaasadda.”

Abyan*

Abyan* oo ah hooyo carmal ah oo leh lix caruur ah, waxa ay ku nooshahay xerada dadka dalka gudihiisa ku baro-kacay ay ku nool yihiin ee la yidhaahdo Tarbush oo ku taal Muqdisho. Madasha waxqabadka bulshada ayaa ka taageertay inay muran hanti u gudbiso maxkamad oo ay u hesho caddaalad nafteeda iyo wiilkeeda. Inay helaan caddaalad xaq ku dhisan oo lala xisaabtami karo waa ku caqabad badiyaa haweenka Somalia sababta oo ah caadooyin iy dhaqanno jinsi (gender) oo dhiirigeliya ku xallinta khilaafaadka hababka aan dawliga ahayn kuwaas oo awoodda saara wada-jirka bulshada ee aan awoodda saarin xaquuqda qofku leeyahay, islamarkaana caadiyan dumarka waxa ku metela ragga ay qaraabada yihiin. 

 “Waan ka tegay gurigii aanu xaas ahaan degenayn kadib markii uu i furay ninkaygii sababta oo ah khilaaf dhexmaray caruurtayda iyo qoyskiisa. Ninkaygii mar danbe ayuu dhintay dabadeed dadkii deriska aanu ahayn waxa ay ii sheegeen inaan dib ugu celiyo wiilkayga gurigii aabihii sababta oo ah isaga ayaa lahaa dhaxalka hantida. Balse ninkaygu gabadh uu adeer u ahaa ayaa degenayd guriga oo waxa ay diiday inay ka baxdo, iyada oo ku dooday in wiilkaygu aanu xalaal ku dhalan. Nasiib wanaag, deriska oo dhan ayaa dhinacayga jiray. Waxa la igula taliyay inaan dacwadda u gudbiyo maxkamadda, balse waxa ay ii waydiisteen laaluush dhan $3000 hadii aan doonayo in guriga la ii soo celiyo. Halkan inta badan dumarka lama siiyo xuquuqdooda.

 Waxa aanu noqonay dad caal waa ah oo aan wax taageero ah haysan, oo aan garanayn meel ay aadaan. Balse saldhiga booliiska waxa aan kula kulmay Cabdi*, oo ah xubin ka tirsan madasha waxqabadka bulsho oo halkaas u joogay dacwad kale. Aqoon ayaan u lahaa, balse maan ogayn waxa uu qabto. Waxa aan u sheegay arinkayga dabadeed inta uu iga qortay faah-faahinta ayuu ballan qaaday inuu i caawinayo isaga oo aan wax khidmad ah iga qaadin.

 Cabdi waxa uu dacwadayadii u gudbiyay maxkamadda degmadda oo noo sii gudbisay maxkamadda ka saraysa oo noo xukuntay.

 Waxa aanu awood u yeelanay inaanu ku noqono gurigayaga oo hada si raaxo leh ayaanu u degenahay. Gurigu waxa uu leeyahay lix qol, waxa aanu degenahay laba, inta kale waanu kiraynay si aanu dakhli uga helno. Waxa aan sidoo kale ka fekerayaa inaan qolalka midkood ka furo ganacsi. Wiilkaygu wuu faraxsan yahay. Waxa uu doonaya in marka uu waynaado uu noqdo askari, sidii aabihii.

 “Runtu waxa ay tahay, in nabadda lagu guulaysan karo oo keliya hadi caddaalad la siiyo kuwa la dulmiyay islamarkaana run laga sheego cidda dulmiga gaysata.”

 Waxa aan ka mahad naqayaa hawlaha madasha waxqabadka bulshada: ee ah inay caddaalad xaq ah bixiyaan, ay kor u qaadaan wacyiga dadka ee ku saabsan hababka iyo shuruucda ku saabsan bulshada. Runtu waxa ay tahay, in nabadda lagu guulaysan karo oo keliya hadi caddaalad la siiyo kuwa la dulmiyay islamarkaana run laga sheego cidda dulmiga gaysata.”

Cabdullaahi*

Cabdullaahi*, oo ah 54 jir ka dhigta Shareecada Islaamka Jaamacadda Kismaayo, waxa uu ka mid yahay gudida caddaaladda ee madasha waxqabadka bulsho ee isugu timaadda shirarka hal mar dhaca labadii todobaad ba.

“Somalia waxa ay ku dhex jirtay xaalad burbur ah 27kii sanadood ee u danbeeyey, iyada oo muranada ka dhexeeya dadka iyo qabiiladu ay bateen dawlad la’aanta darteed. Marka la eego dhinaca caddaaladda, waxa aanu soo marnay marxalado kala duwan. Waxa jirtay mar aanay jirin maxkamado oo dadku ay muranadooda ay ku xallili jireen geedka hoostiisa. Waxa sidoo kale jirtay mar aanay jirin madasha waxqabadka bulsho.

Maadama oo aan xubin ka ahay madasha, waxa aan wax ku daraa oo ka qaybqaataa ajendayaasha kulanada kala duwan. Waxa aan ahay waayeel fahamsan xaaladda gobolka. Muranada u badan ee na soo maraa waxa ay la xidhiidhaan dhul, maal iyo hanti. In bulshada khilaaf ka soo dhex baxaa waa wax caadi ah, markaa waxa aannu samaynaa wacyigelin ku saabsan muhiimadda caddaaladda iyo wada-shaqayntu leeyihiin, ogaanshaha caqabadaha iyo xal u raadinta. Dhaqan ahaan, Soomaalidu waa dad furfuran oo iska war haya sababta oo ah waxa aannu iskugu nimaadnaa maqaaxiyaha shaaha si aanu xogta u wadaagno.

 Qof kastaa wuxuu bulshada ku leeyahay door uu ka ciyaaro. Dhalinyrada, dumarka iyo ragga dhamaantood waxa ay leeyihiin door ay ciyaaraan. Islaamku wuxuu tusaale inoo siiyay in bulshooyinku yihiin sida guri oo kale. Hadii xubin guriga ka tirsan, Matalan hooyada oo kale, laga dhex qaado, guriga waxa ku imanaya banaansho. Hooyadu waa tiirka qoyska iyo bulshada.

 Waxa aan doonayaa in qof ahaan is kobciyo islamarkaana wax baro ciyaalkayga. Waxa aan doonayaa inaan caawiyo bulshada sababta oo ah waa masuuliyad i saaran oo Ilaahay igu abaal marin doono.”

Hodan*

Hodan*, oo ah 38 jir, waxa ay ka tirsan tahay saldhiga dhexe ee Kismaayo. Sidoo kale waa hooyo leh lix caruur ah.

 “Intii uu socday dagaalka sokeeye, ma malayn kartid dhibaatada aan maray, markii aan hadba meel u cararayay.”

“Intii uu socday dagaalka sokeeye, ma malayn kartid dhibaatada aan maray, markii aan hadba meel u cararayay. Waxa aannu u qaxnay xerada qaxoontiga ee Kakuma ee ku taal Kenya halkaas oo aanu joognay todobo sanadood. Waxa aannu soo noqonay markii xoogaa xasilooni ahi timi; waxa aanu u soo noqday sababta oo ah waxaan ka tegay hooyaday iyo waalidkeed, balse mar kale ayaan hadana u cararay xerada qaxoontiga ee Dadaab oo aan joogay lix sanadood kadib markii maleeshooyinka diimeed ay qabsadeen magaalada. Markii hore ee aan qaxay caruur ma lahayn, balse markii labaad waxa aan lahaa caruur. Ilmahaygii u danbeeyey xitaa waxaan ku dhalay xeerada qaxoonti.

 Waxa aan ka shaqaynayay ciidanka booliiska mudo sanad iyo lix bilood ah. Saldhiga dhexe ee Kismaayo waxa jooga 39 rag ah oo booliis ah iyo 3 dumar ah oo booliis ah. Caqabado badan ayaa soo wajaha dumarka ka shaqeeya ciidanka booliiska.

 Waxa jirtay dacwad ay haweenay soo gudbisay cabasho la xidhiidha ninkeeda (xaaska). Ninkii wuu diiday inuu u ogolaado inay haweenaydu dacwadeeda sheegato, xitaa waxa uu iga qaaday qallinkii aan ku qorayay dacwadda sababta oo ah waxa aan ugu hanjabay inaan xidhayo. Waxa qasab noqotay inaan taageero waydiisto ragga booliiska ah ee aanu wada shaqayno, oo ninkii waa la xidhay. Waxa aan hubaa inaanu sidaas u dhaqmeen hadii cidda dacwadda faraha ku haysaa ay ahaan lahayd nin.”

Hodan waxa ay kala shaqaysaa madasha waxqabadka bulsho si loo xoojiyo xidhiidhka ay la leeyihiin booliiska oo loo dhiso kalsoonida. Madashu waxa ay ku dhiirigelisaa bulshada inay ka warbixiyaan oo gudbiyaan dacwadaha ay qabaan, sidoo kale waxa ay la shaqeeyaan booliiska si ay u qaataan dhaqmo booliis oo daah-furan oo lala xisaabtami karo.

 “Waxa aan kula kulmay haweenay mid ka mid ah aqoon is-waydaarisga wacyigelinta lagu sameeyo. Waxa ay ii sheegtay inay ka baqdo booliiska oo aanay weligeed ku fekerin inay dacwad u gudbiso booliiska. Xitaa mararka qaar waxa dhacda in dadku u diido booliiska ilaalinaya xaafadooda inay siiyaan biyo sababta oo ah waxa ay ka baqayaan in booliisku soo weeraro habeenkii. Waxa aan u sheegay [haweenaydii] inaanu nahay dad weji furan oo xitaa waxaan siiyay lanbarkii telefoonkayga aniga oo u sheegay inay i soo wacado ama farriin ii soo dirto mar kasta oo ay u baahato caawimo. Runtii si fiican ayaannu ula shaqaynaa madasha waxqabadka bulsho, waxaannu uga mahadcelinaynaa fudaydinta barnaamijyada.”

Caasha*

Caasha*, oo ah 34 jir, waa hooyo leh lix caruur ah oo ka ah nadiifiso cusbitaalka Muqdisho. Madasha waxqabadka bulsho waxa ay sanadkii 2018 ka gacan siiyeen iyada iyo gabadh ay dhashay inay hellaan adeeg caawimo oo muhiim u ahaa kadib markii uu ku dhacay xadgudub galmo oo culus.

 “Waxa aan ku noolaa halkan [Muqdisho] tan iyo markii aan lix jirka haa, balse rabshadaha dartood waxa aanu u qaxnay meelo kala duwan. Waxa jira dhibaatooyin ah in guryaha la iska saaro si joogto ah, baro-kicin iyo dilal. Marar badan ayaa caruurta la af-dubaa. Caruurta oo dhimatay ama lagala baxay xubno muhiim ah ayaa la soo celiyaa, markaa caadiyan xilliga habeenkii caruurta waxa aanu ku haynaa guryaha gudohooda.

Maallin maalmaha ka mid ah ayaa saaxiibadeed oo ay iskuulka wada dhigtaan ii timi oo ay i waydiisay sababta aanay inantaydu u tegin fasalka. Waxaan bilaabay inaan daydayo. Waan argagaxay; waxa aan ka baqay in la ii sheego inay dhimatay.” Caasha waxa ay ogaatay in inanteedii uu af-duubay oo kufsday nin markii ay ku sii socotay iskuul ay fiidkii dhigan jirtay.

“Markii ay soo noqotay waxba ma waydiin sababta oo ah aad ayay u argagaxsanayd. Aroortii ayay ii sheegtay wixii dhacay. Waxa aan waydiiyay inay ninka aqoonsan karto, waxa ay ii sheegtay inay garanayso magaciisa [oo ay maqshay iyada oo uu qof kale u yeedhayo]. Waxa aan u gudbiyay booliiska oo soo xidhay, balse wuxuu dafiray inuu weligiisba arkay.

Waxa ay ahayd markii aan u qaaday inantayda cusbitaalka markii aan la kulmay qof ka tirsan madasha oo ii sheegay inuuu igu xidhayo urur ka shaqeeya xadgudbyada loo gaysto haweenka. Waa sidaas sida aan xidhiidhka ula yeeshay madasha waxqabadka bulsho. Waxa ay naga caawiyeen inaan helno caddaalad iyaga oo na siiyay adeeg sharci oo bilaa lacag ah iyo dacwad qaadis xaq ah. Dembiilihii waxa lagu xukumay lix sanadood oo xadhig ah iyo ganaax. Haseyeeshee, qoyskiisa ayaa hada na argagax geliyo oo isku dayaya inay ka rafcaan qaataan dacwadda.  Ma fahmsana dhibaatada aannu marayno. Qaraabaadiisu waxa ay igu yidhaahdeen waxa tahay qof dumar ah oo shaqadeedu tahay inay soo saarto caruur, markaa inaan faraha ka qaado arinka oo u daayo odayada dhaqanka. Xitaa waxa ay isku dayeen inay igu laaluushaan lacag, balse waan ku adkaystay halkaygii oo waxaan ku adkaystay in inantaydu ay tahay waajib inay hesho caddaalad, caddaaladda dawaladda.

 Talo-bixin iyo caawimo (ay fudaydisay SWDC) ayaa aad u caawiyay. Waxa jirtay xitaa mar aanay hadli karayn; waxa ay isku soo xidhi jirtay guriga oo waxba may cuni jirin maalmo dhan. Inantaydu hada aad ayay uga fiican tahay sidii hore. Waan ka mahad naqayaa dadaalka madasha; waxa ay naga caawiyeen inuu begsado dhaawacii na soo gaadhay, waxaannu jeclaan lahayn inay na dhinac joogaan ilaa aannu ka helayno caddaalad.”

Axmed*

Axmed*, oo ah 61 jir, waxa uu ka shaqaynayay farmasiyada tan iyo markii uu ku soo noqday Muqdisho kadib markii uu baro-kacay markii dagaalka sokeeyey socday. Hada waa xubin ka tirsan madasha waxqabadka bulsho oo madax ka ah gudida caddaalada iyo amaanka.

 “Waxa aan imi Muqdisho sanadkii 1975. Waxa aan ahaa ganacsade ka hor intaan dagaalka sokeeye bilaabmin, oo waxaan alaabta baabuurta (spare parts) ku iibin jiray degmada Xamar Wayne. Markii dagaalku bilaabmay, wuu burburay ganacsigaygii. Xaaladda amaanku way xumayd. Waxa jirtay burbur oo guryaha ama xoog ayaa lagu qaadan jiray ama waa la burburin jiray. Waxa qasab nagu noqotay inaanu cararno, ma ahayn sababtu gaajo, balse waxa ay sababtu ahayd waxa na soo weeraray dhalinyaro hubaysan oo kufsanayay dumarka islamarkaana boobayay wax kasta. Waxa aan u cararay dhulka miyiga halkaas oo aan beeranayay mudo sadex sanadood ah.

 Markii rabshaduhu soconayeen, ma ahayn wax fudud in la shaqeeyo ama ganacsi la galo sababta oo qas iyo ciidamo maleeshiyo ah ayaa meel walba xaafadaha marayay. Markay doonaan ayay wax dhacayaan oo dilayaan. Qabiilada waawayn ayaa lahaa go’aanka cidda ganacsi samaynaysa. Haseyeeshee, hada nolosho aad ayay uga fiican tahay sidii hore. Halkaad doonto ayaad mari kartaa oo ka shaqayn kartaa sababta oo ah xaaladii amaanku way degan tahay.

 Markii aan Muqdisho ku soo noqday, waxa shaqo i siisay shirkad ka iibisa dawooyinka tukaanada iyo dabo-kaayooyionka. Hada waxa aan isku dheelitiraa ganacsigayga iyo hawlaha madasha waxqabaddka bulsho. Waxa ii doortay inaan noqdo xubin ka mid ah madasha waxqabadka bulsho maamulka degmada, balse bilawgii dadku shaki ayay ka qabeen sababta oo ah ma ay fahamsanayn barnaamijka aanu hogaaminaynay.

 “Amaanku waa aasaaska nolosho. Amaan la’aan, ma jirto wax suurtagal ah: shaqo ma jirto, waxbarasho ama caafimaad na ma jiri karaan."

 Mustaqbalka, waxaannu jeclaan lahayn in nala ka caawiyo xafiis, qalabka loo baahan yahay iyo caawimo maaliyadeed si aanu qaab waxtar leh ugu gudan karno waajibaadkayaga, hada bulshooyin ayaa ku tiirsan adeegga aan bixino. Amaanku wuxuu ka bilaabmaa xaafadaha deriska ah dabadeed kor ayuu ugu dhismaa ilaa heer degmo, gobol iyo heer qaran. Amaanku waa aasaaska nolosho. Amaan la’aan, ma jirto wax suurtagal ah: shaqo ma jirto, waxbarasho ama caafimaad na ma jiri karaan. Waxa aan rajaynayaa inaanu mustaqbalka ku guulaysano deegaan nabad ah.”

*Magacyda waa la bedelay si loo ilaaliyo aqoonsiga dadka la waraystay.