"Waxa ay u taagan yihiin caddaaladda”: wax-qabsiga bulshada Baydhabo

Magaalada Baydhabo oo ku taal koonfur-galbeed Somalia waxa ay soo martay xasilooni darro wayn iyo is-bedel sodonkii sandadood ee u danbeeyey. Waxa aannu kala hadalnay xubno ka tirsan bulshada Baydhabo khibradooda iyo shaqada ay hayaan si ay dib-u-dhis ugu sameeyaan bulshada burburtay oo ay u abuuraan nabad waarta.

“Sodonkii sanadood ee u danbeeyey noloshayda aan ku qaatay Somalia, waxa aan arkay burbur, baro-kac, cudur iyo macaluul. Xilligaas markii aan korayay, waalidkayga i koriyay waxa ay wajeheen dhibaatooyin badan. Ma jirin dawlad islamarkaana waxa maqnaa nidaam maamul oo haboon.”

 Ibraahim, oo ah 37 jir, wuxuu ku nool yahay Baydhabo oo ah magaalo wayn oo ku taal Somalia taas oo shacabka degani ka badan yahay 1 milyan*, oo ay ka mid yihiin tiro badan oo ah dadka dalka gudihiisa ku baro-kacay. Sidoo kale waa caasimadda Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo ka dhigaysa goob istiraaji ah oo caan ku ah wax-soo saarka beeraha. 

 Intii uu socday dagaalka sokeeye, Baydhabo waxa soo gaadhay rabshado gacan ka hadal ah iyo amni darro ka timi Ciidanka Is-difaaaca ee Raxanwayn (Rahanwein Resistance Army (RRA) oo doonaysay inay ka abuurto gobol madax banaan koonfurta Somalia. Dagaalkii sokeeye ee Somalia oo dhashay markii ay burburty dawladii dhexe sanadkii 1991kii, waxa uu keenay rabshado gacan ka hadal ah iyo baro-kac balaadhan dalka oo dhan iyada oo kooxo hubaysan oo kala duwani ay u dagaalameen inay saamayn yeeshaan.

Fatuma, oo ah hogeemiye dumar iyo hooyo dhashay sagaal caruur ah, waxa ah tilmaantay masiibada wayn ee ku dhacday intii khilaafku socday. “Waxa ay ahayd dagaal kadib. Waxa na soo gaaray burbur ay isku keeneen Soomaalidu. Maleeshiyo beeleed ayaa baaritaan ku sameeyey guryaha, islamarkaana ka gaystay xatooyo iyo kufsi ay dumarka kula kaceen. Cunugayga oo aan dhebta ku hayay ayay ku dhaawaceen mindi. Ma jirin cisbtaal ama dawo, sidaasdarteed cunugaygii wuu dhintay. Waxa ay qaateen wixii aannu haysanay oo dhan iyo dharkii oo dhan. Maan noqon qaxoonti sababta oo ah ma haysan lacag aan kaga baxo Baydhabo.”

Abdirizaq Mohamed © Alexandra Azua Hale/Saferworld

"Hoygaygu wuxuu ahaa Baydhabo intii dagaalku socday, weligay debedda ugama bixin Somalia. Waxa na soo foodsaaray dhibaatooyin badan sababta oo ah waxa aan jirin dawlad ilaalisa sharciga iyo kala danbaynta.”

Cabdirisaaq Maxamed oo ah aabo dhalay afar caruur ah ayaa sharaxay sida uu u noloshiisa u saameeyey dagaalka sokeeye ee ka dhacay Baydhabo, “Si aad u badan ayuu uu saameyey. Hoygayug wuxuu ahaaa Baydhabo intii dagaalku socday, weligay debedda ugama bixin Somalia. Waxa na soo foodsaaray dhibaatooyn badan sababta oo ah waxa aan jirin dawlad ilaalisa sharciga iyo kala danbaynta. Marar badan ayaa nala ka baro-kiciyay Baydhabo oo aanu u cararay tuulooyinka ku dhow dhow, sidoo kale waa nala ka baro-kiciyay meelihii aannu u cararnay. Waxa jiray dagaal ka dhex socday beelo iyo jifooyin hoose. Dagaaladaasi waxa ay nagaga tageen dhibaatooyin aad u badan. Waxa dhaawac iga soo gaaray lugta; waxa uu iga soo gaaray rasaas wiifto ah June 1995 oo ay rideen maleeshiyada [Maxamed Faarax] Caydiid ee maamulkii sal-balaar. Xabaddu igama dhex bixin ee jidhka ayay dhex gashay oo waxa ay dhaawac u gaysatay neerfayaashayda, dabadeed waxa ay curyaamisay lugtii.”

Fatuma waxa ay ku dartay, “markii macaluushu jirtay, dumarka ayay dulsaarnayd inay maamulaan oo ay daryeelaan caruurtooda. Raggu waxba ma siin jirin caruurtooda, waxa ay ahayd dumarka cidda wax siin jirtay iyaga oo iibin jiray shidaalka, xaabada iyo cuntada, waxa ay ahaayeen dad shaqo badan oo hawlkar ah. Dhibaatada culus ee ay soo mareen ayaa bartay sida ganacsiga loo sameeyo. Hada waxa aad ku arkaysaa suuqa iyaga oo iibinaya khudaar, roodhi, liin, iyo dhar, macnaha wax walba way iibiyaan. Cuntada ayay keenaan islamarkaana dhigooda ayay la tartamaan. Waa dad shaqo badan.”

 Marka la barbar dhigo mudooyinkii hore, maanta Baydhabo waxa ka jirta nabad. Marka laga yimaado mudooyin ay jirtay amni darro ka dhalatay khilafaad, ay ugu caasan yihiin kuwii dhexmaray Dawladda Ku-meel gaarka ah ee Somalia iyo Maxkamadaha Islaamiga ah sanadkii 2006, iyo Al Shabaab laga soo bilaabo 2006 ilaa hada, iyo sidoo kale hubaatin la’aan siyaasadeed oo jirtay markii loo aasaasayay Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Somalia inay si rasmi ah u noqoto xubin ka mid ah dawlad goboleedyada dawladda federaalka ah ee Somalia,  qaar ka mid ah shacabka bulshada Baydhabo waxa ay hada cabiraan dareen ah xasiloonni khatar ku jirta.

“Hada waxa aannu ku jirnaa xaalad degan marka wixii hore la barbar dhigo, markaa Ilaahay ayaa mahad leh. Kadib mudo dheer oo aanu lahayn nidaam [maamul] ku meel gaar ah, hada waxa aannu gaarnay xaalad ay dalwad goboleedka iyo dawladda federaalka ahi leeyihiin xiriir wada shaqayneed,’ ayuu yiri Ibraahim. Sidaas oo ay tahay si maallin le ah ayay dad badan oo Soomaali ahi u wajahaan ami darro iyo caddaalad darro aad u saraysa. Tani waxa ay gaar ahaan u sii daran tahay dumarka iyo kooxaha laga tiro badan yahay.

Wax-qabsiga bulshada 

December 2016, Saferworld iyo cidda ay la shaqaysaa (partners) waxa ay bilaabeen marshuuc shan sanadood ah oo ka taageeray bulshooyinka Somalia inay wax ka qabtaan arimaha amni iyo badqab ee sida maallilaha ah u soo food saara, islamarkaana inay kobciyaan xiriirka ay la leeyihiin maamulada maxalliga ah iyo hay’adaha dawladeed. Baydhabo waxa aanu la shaqaynay oo iskaashi la yeelanay ururka magaciisa la yidhaahdo Isha Human Rights Organization (IHRO) oo la leh xiriir hore u jiray bulshada mudo ku dhow 20 sanadood.


Shir uga socda xubnaha CAF magaalada Baydhabo © Alexandra Azua Hale/Saferworld

 Talaabadii kowaad ee marshuucu waxa ay la xiriirtay in la sameeyo kooxo bulsho, oo loo bixiyay madasha wax-qabadka bulshada (Madasha),  kuwaas oo ka koobnaa rag iyo dumar mutadawiciin ah oo u hawlgala iyaga oo ka wakiil ah bulshada ay deriska yihiin. Bilawgii hore waxa laga  abuuray Baydhabo sadex kooxood, oo midkiiba ka kooban yahay 20 xubnood. Afar sanadood kadib, waxa jira hada lix kooxood – xubnaha Madashu wadar ahaan waa 120 xubnood– oo ka shaqeeya guud ahaan magaalada. Doorkoodu waa inay hogaamiyaan mashaariicda kobciya badqabka iyo nabadda aagooda iyo inay gacan ka gaystaan in xal laga gaaro khilaafaadka bulshada. Xubinimada Madashu waxa ay koobsatay dhamaan qabiilada, waxaana ku jira dad waawayn, dhalinyaro, dumar iyo dad naafo leh.

Cabdirisaaq Maxamed waa xubin ka tirsan mid ka mid ah kooxahaas: “Qorshahayagu waxa uu ahaa in ugu horaynta aanu bulshada fahamsiinno muhiimadda nabadda iyo amniga. Shaqsiyan, annigu aad baan ugu faraxsanaa arinkan sababta oo ah waxa aannu u baahnayn inaanu bulshada ka siinno xog aad u badan arimahaas. Waxa aannu abuuranay wacyigelin badan si aannu u fahamsiinno inay wax kasta wada leeyihin, waxa aannu u wada noolahay sidii hal bulsho keliya.”

 Madashu waxa ay ka qayb qaateen tabobarada la xiriira ololaynta, amniga bulshada, miisaaniyad dejinta iyo maaliyadda, ogaysiinta bulshada xaasaasiyadda jinsiga (gender) iyo khilafaadka. Intaas kadib kooxuhu waxa ay ka sameeyeen cilmi baaris deriskooda si ay u oo saaraan arimaha mudnaanta u leh ee ay walaaca ka qabaan. Baydhabo, si la mid ah meelaha kale, bulshooyinka degan iyo dadka dalka gudihiisa ku baro-kacay labaduba waalaaca u wayn ee ay qabaan waa xadgudbyada jinsiga la xiriira, hellidda caddaaladda iyo muranada dhulka. Natiijadii ka soo baxday waxa loo isticmaalay in la dejiyo qorshe hawleed ku aadan sida wax looga qabanayo arimahaa, kaas oo wax ka bedel lagu sameeyo laba jeer sanadkii.

Gudoomiyaha CAF Abdirizak Adan © Alexandra Azua Hale/Saferworld

Cabdirisaaq Aadan, oo ah xubin iyo gudoomiyaha Madashu oo door aasaasi ah ka ciyaaray dejinta kooxaha ayaa sheegay, “Khamiis kasta waxa aanu qabanaa shirkaa Madasha, inkasta oo mararka qaar ay jiraan shirar aan caadi ahayn oo degdeg ah, marka ay jiraan arimo degdeg ah oo ay tahay in waxa laga qabto oo ka dhaca xerooyinka dadka dalka gudihiisa ku oo baro-kacay ay ku jiraan ama bulshada dhexdeeda. Hadii aanay suurtagal ahayn inaanu shirka ku qabsano xafiiskayaga, waxa aanu ku shirnaa halka baahida bulshadu ay taal.”

 Sanadkii 2019, Madashu Baydhabo waxa ay wax ka qabteen 155 dacwadood: 36 la xiriira muran dhul, 21 xadgudubyo guryaha dhexdiisa ka dhaca ah (domestic abuse), 24 muran deriska dhex maray ah, 11 dacwdood oo xadgudubyada jinsiga la xiriira ah, 12 ku saabsan badqab, iyo 51 noocyo kale ah.

Ka fal-cellinta baahiyaha bulshada

"Mar walba bulshada ayay isku keenaan, iyaga oo u qabanaya aqoon is-waydaarsiyo. Dad ku kala nool daafaha magaalada…ayay isku keenaan.”

Ibraahim waa xubin ka tirsan bulshada oo si joogto ah xiriir ula leh kooxaha Madasha ee maxalliga ah. “Inkasta oo ay adag tahay in dadka meel la isugu keeno, [Madashu] way ku guulaysteen. Si fiican ayaan u xasuustaa markii la aasaasay. Shaqadoodu sidoo kale si cad ayay uga dhex muuqataa bulshada, tusaale ahaan, nadaafadda iyo fayo-dhawrk- nadiifinta wadooyinka. Nidaamka laydhka  – waxa ay ku saameeyeeen laydh meelo amaankoodu liitay, wadooyinka dhinacooda waxa ay ku beereen dhir. Mar walba waxa ay isku keenaan bulshada, iyaga oo u qabanaya aqoon is-waydaarsiyo. Dad ku kala nool daafaha magaalada oo aan hore isu aqoon, ayay isku keeneen. Iminka si fiican ayay isku yaqaaniin.”

Berdaale CAF oo la shaqaynaya bulshada si loo nadiifiyo wadooyinka © IHRO

 Fartuun Cali oo xubin ka ah Madasha islamarkaana ah u doode xuquuqda haweenka waxa ay si gaar ah awoodda u saartaa baahiyaha haweenka bulshadeeda ka midka ah. “Ragga iyo dumarku xubno siman ayay ku leeyihiin Madasha (toban nin iyo toban dumar ah). Marka haweenay la weeraro, xubnaha dumarka ah ayaa booqda dhibanaha. Marka aannu taageero u baahano, waxa aanu caawimo ka raadsanaa hablaha booliiska ah ee jooga saldhiga booliiska si ay amaanka u ilaaliyaan. Anigu waxa aan jecelahay inaan dadaal geliyo inaan la shaqeeyo dumarka. Marshuucani waxa uu iga caawiyaa inaan ogaado baahiyaha ay qabaan haween badani.”

Dib-u-dhiska xiriirka ay bulshadu la leedahay booliiska

Toboanaan sandood oo xasilooni darro ah iyo maqnaansho hay’adaha dawleed ee Somalia ayaa abuurtay is-aaminaad la’aan qoto dheer oo ka dhaxaysa bulshada iyo booliiska. Tiir dhexaad ay leedahay Madashu ayaa ah in la xoojiyo xiriiradaas oo la abuuro deegaan waara oo ay dadka iyo booliisku ku wada shaqayn karaan.

Maxamed waa madaxa saldhiga Booliis ee degmada Berdaale ee ka tirsan Baydhabo, wuxuuna si joogto ah ula shaqeeyaa Madasha deegaankiisa ka dhisan. Waxa uu sharaxay, “Sanado ka hor cabsi jirtay darteed, dadwaynaha iyo booliisku way kala fogaayeen marka la eego xagga wada shaqaynta. Al Shabaab waxa ay ku soo tuuri jirtay bambooyin iyo hub kale iyada oo si joogto ah u soo weerari jirtay Baydhabo. Bulshadu way ka carari jirtay booliiska iyaga oo ka baqaya inay rasaas ku dhuftaan. Balse hada booliiska iyo bulshadu waxa ay noqdeen sidii hooyo iyo aabe, oo waxa ay wadaagaan masuuliyadda.

Madaxa booliska degmada Berdaale Mohamed © Alexandra Azua Hale/Saferworld

 Maanta, waxa aanu la shaqaynaa Madasha maalin iyo habeen. Mar kasta oo aad wacdid xitaa sadexda habeenimo, saacado danbe oo habeenkii ah, oo aad u sheegtid in arini jirto, way ka soo jawaabayaan markaba iyaga oo soo diraya sadex ama afar qof, waxa ay eegaan goobta, waxa ay la hadlaan dadka, oo waxa ay bilaabaan inay ka hawlgalaan dhibta. Si wada jir ah ayaanu u wada shaqaynaa, hadii loo baahdona waanu xidhnaa [dadka la tuhunsan yahay] oo waxa aanu gaynaa saldhiga booliis si sharciga loogu qaado.

"Saldhiga aanu hada ku shaqayno wax dhisay Madasha, iyaga oo taagero ka helaya bulshooyinka Berdaale iyo Baydhabo, iyaga ayaa keenay dhamaan qalabkii loo baahna…”

Saldhiga aanu hada ku shaqayno waxa dhiisay Madasha, iyaga oo taagero ka helaya bulshooyinka Berdaale iyo Baydhabo, iyaga ayaa keenay dhamana qalabkii loo baahnaa, oo ay ka mid yihiin looxa iyo siliigga. Waxa ay sidoo kale noo keeneen qalabka xafiisyada ee aanu hada ku isticmaalayno xafiisyada. Aniga aad ayay muhiim iigu tahay in lala shaqeeyo Madasha, maadama oo aan aqoonsaday inay u taagan yihiin gaarista caddaaladda.”

Waxa dheer hawlaha Madasha, in marshuucu isku keenay kooxo mutadawiciin ah oo si gaar ah awoodda u saara xiriirka booliiska iyo bulshada, waxa loo yaqaan Gudida La-talllinta Booliiska. Gudida La-tallinta ee Baydhabo waxa ay u ololeeyeen oo ay kala hadleen taliyaha booliiska degamda baahida loo qabo in la abuuro xafiiska haweenka oo saldhigyada laga sameeyo si ay u maareeyaan dacwadaha la xiriira xadgudbyada jinsiga ee ay bulshadu soo ogaysiiso booliiska. Taliyaha booliiska oo taageero ka helaya hay’ado kale oo ay ka mid yihiin AMISOM, waxa uu si guul ah ku abuuray xafiiska haweenka oo hada loo isticmaalo goob amaan ah oo haweenka iyo hablaha dhibtu soo gaarto ee Baydhabo lagu caawiyo, kaas oo hoos u dhigay dhaqankii ahaa in dadka dhibaatadu soo gaarto ay aamusaan oo qariyaan dhibta balse hada way soo warbixiyaan si ay u helaan matalaad iyo la talin sharci.

Is-bedel waara

Kadib sanado badan oo ay si dhow ula shaqaynayeen bulshada islamarkaana ay dhisayeen kalsoonida dadwaynaha, Madashu waxa ay hada shaqadoodu gaarsiiyeen saraakiisha dawladda ee heer degmo. Sanadkii 2019, waxa ay la yeesheen maamulka degmada 12 shir iyaga oo kala hadlay arimaha amaanka ee ay sida joogtada ah ula kulmaan islamarkaana inay taageero ugu helaan shaqadooda. Shir ay la yeessheen Xasan Macallin Axmed Biikole, taliyaha booliiska degamda, waxa uu dhalay heshiis keenay in xubno booliiska ka tirsan iyo saraakiil dawladda ahi ay ka soo qaybgalaan shirarka Madasha ee labadii tobaad hal mar dhaca si ay ula shaqeeyaan bulshada si dhow.

 Cilmi baaris ay ka sameyeen Madashu Baydhabo waxa ay muujisay in muranka dhulku ka mid yahay waxyaabaha ugu waawayn ee dabada ka riixa khilaafaadka Baydhabo iyo baahida wayn ee loo qabo in la sameeyo xeerka dhulka ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Kadib markii Madashu ay arinka la wadaageen masuuliyiinta ay khuseeyso oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Hawlaha Guud ee heer dawlad goboleed iyo UNHABITAT, xeerka dhulka ayaa la diyaariyaya oo uu ansixiyay golaha wasiiradu, kaas oo sugaya ansixinta baarlamaanka.

Madashu waxa ay ogsoon yihiin qiimaha ay leedahay taageerada dawladdu. “Markii hore marshuucu wuxuu ka bilaabmay xididada bulshada. Hadii maamulka dawladda ee degmooyinka, gobolka iyo heer federal ay siiyaan taageero, waxa uu noqonayaa marshuuc waara,” ayuu yidhi Cabdrisaaq Aadan.

“Waxa la qabtay waxa uu keenay is-bedel aad u badan. Xitaa marka aanu la kulanno arimo aad u khatar badan, waxa aanu wacnaa oo ogaysinaa masuuliyiinta ay khuseeyso, kuwaas oo hada si aad u fiican wax uga qabta. Taasi waxa ay noo keentay nabad iyo nolol tii hore ka wanaagsan,” ayuu yiri Ibraahim.

Fartuun waxa ay xustay, “Iyada oo ay jirto qabyaaladda oo ah arin Somalia ku badan, in bulshooyinka la mideeyaa waxa ay leedahay saamayn balaaran. Hadii xajmiga marshuuca la balaariyo oo la gaarsiiyo gobolada kale oo si la mid ah looga hirgeliyo degmooyinka, waxa aan is leeyahay waxa uu ku yeelan doonaa Somalia oo dhan saamayn balaaran.”

Xubnaha Madashu dhexdooda waxa ka jira dareen ay ku ha wayn yihiin shaqada ay hayaan. “Xubnaha qoyskaygu aad ayay uga war hayaan xilka iyo shaqada aaan hayo. Maadama oo dadku gurigayga yimaadaan iyaga oo aniga i raadinaya oo ay xaaskayga waydiiyaan inay i kiciso marka aan hurdo si aan uga caawiyo xillinta khilaaf, waxa ay og yihiin inaan ka shaqeeyo xallinta khilaafaadka dadka iyo dhibaatooyinka amni. Waxa aan rajaynayaa in dadka kale ee ila midka ahi ay wax iga bartaan, sida geela socotada ahi uu u dabo galo tuludda u horaysa ee horkacaysa,” ayuu ku soo gebo-gebeeyay Cabdirisaaq Maxamed.

 Kadib markii uu ka qarxay COVID-19 dalka Somlia, Madashu waxa ay ka ciyaareen door muhiim ah inay bulshooyinkooda ka ilaaliyaan in fayrasku ku fido, iyaga oo wacyigelin ka sameeyey deriskooda islamarkaana qaybiyay qalabka la iskaga ilaaliy fiditaanka fayraska. Falcelintooda waxtarka lihi waxa ay ka timi dabeecadda kooxaha ka dhex jira bulshada, oo isticmaalay saamayntooda hore u jirtay si ay ula wadaagaan xog muhiim ah hanaan degdeg ah oo la aamini karo.

* https://worldpopulationreview.com/countries/somalia-population/