Photo credit: Tobin Jones/UN
Photo credit: Tobin Jones/UN

Soomaaliya iyo Soomaaliland

Soomaaliya iyo Soomaaliland shaqooyinka aan ka qabano

Soomaaliya iyo Soomaaliland shaqooyinka aan ka qabano

Kadib tobonaan sanadood oo dagaal sokeeye ah iyo burbur dawladnimo, hada waxa jira sababo muujinaya mustaqbal fiican oo laga rajaynayo siyaasadda Somalia kadib markii la aasaasay dawladda federaalka ah ee rasmiga ah [ee ka baxday ku meel gaadhkii] sanadkii 2012 iyo doorashadii dadbanayd ee lagu doortay February 2017 madaxwayne cusub. Dhinaca waqooyi, Somaliland waxa ay ku naaloonaysay xasilooni badan tan iyo markii ay ku dhawaaqday madax-banaanida sanadkii 1991-kii, iyada oo November 2017 si guul ah ku qabatay doorasho madaxtooyo oo wakiilada goobjoogeyaasha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ahiba ay ku tilmaameen inay ahayd mid xaq ah. Haseyeeshee, Somaliland waxa ay weli wajahaysaa caqabado ay ka mid yihiin dib u dhaca doorashooyinka iyo muranada xadka (border disputes), iyada oo gobolka Soomaalidu guud ahaantii ay soo wajahdo abaaro soo noqnoqday iyo khayraadka oo ku yar oo keenay gaajo, faqri iyo barokac.

Warka iyo lafa-gurka

All news and analysis

Daabacadaha

All publications

Shaqada aanu qabanno

Saferworld waxa ay ka shaqaynaysay kobcinta nabadda dimoqraadiyadaynta iyo maamul wanaagga Soomaaliya iyo Somaliland tan iyo 2004-tii. Waxa aannu taageeernaa in bulshada rayidka ah, gaar ahaan dumarka iyo kooxaha dhalinyarada ahi ay ka qayb qaataan geedi-socodka ka go’aan gaadhista arimaha nabadda, amaanka iyo horumarka. Annaga oo la shaqaynayna ururada aanu iskaashiga leenahay, waxa aannu ka caawinnaa bulshada inay tilmaamaan oo aqoonsadanaan islamarkaana wax ka qabtaan walaacyada badqab ee jira, waxa aannu kala shaqaynaa inay horumariyaan adeegyada booliiska iyo inay ka bixiyaan talooyin siyaasadda iyo amaanka. Waxa aannu sidoo kale la shaqaynaa hay’adaha dimoqraadiyadda sida guddiyada doorashooyinka maamula iyo xisbiyada siyaasadda si loo horumariyo tayada doorashooyinka iyo aqoonta madani iyo codaynta. Ugu dambayntii, waxa aannu dalka gudihiisa iyo caalamka ka samaynaa cilmi baadhis iyo olole u doodis ah si loo tilmaamo oo loo aqoonsado waxyaabaha dabada ka riixa khilaafka ka jira gobolka Soomaalida iyo istiraatijiyadaha wax lagaga qabanayo, tusaale ahaan waxa aannu si firfircoon uga dhaqaajinay Somaliland Yoolka 16aad ee Yoolasha Horumar Waara, sidoo kale waxa aanu kor u qaadnay codka bulshada rayidka ah Shirkii Soomaaliya ee London lagu qabtay.

Soomaaliya iyo Somaliland waxaanu ka shaqaynaa:

Maamulka iyo dimoqraadiyadaynta – waxa aanu taageernaa doorka muhiimka ah ee bulshada rayidka ahi ku kormeeraan doorashooyinka, kor u qaadista ka qaybgalka bulsho iyo kobcinta aqoonta bulshadu u leedahay codaynta

XOG DHEERAAD AH AKHRI

Amaanka bulshada – waxaanu ka taageernaa bulshooyinka Soomaliya inay saamayn ku yeeshaan hay'addaha qaran ee gacan ka gaysan kara in bulshooyinku noqdaan kuwo badqaba.

XOG DHEERAAD AH AKHRI

Cilmibaadhista iyo siyaasadda – waxaanu ku samaynaa lafa-gur sax ah Soomaliya si ay u dhisto nabad waarta.

XOG DHEERAAD AH AKHRI

Ku xidhnow wararkeena iyo shaqooyinka aan ka qabano bariga  Africa

Subscribe to email updates